abdirizak

manychat waa chatbot ka oogu fiican ee la isticmaalo

qanriga maanta la jooga waa qanrigii Ai ga iyo hormarka Technology  dunida maanta waxaa lagu tartamayaa waa Ai ga   marka laga hadlaayo Ai ama artificial intelligence waa noocya badan yahay  qaarbo meel baa loogu tala galay  maanta waxaan ka hadlaynaa waa Ai ga loo yaqaano chatbot  marka laga hadlaayo chatbot  waa uu kala fiican yahay ama kala hormarsan yahay  waxaan maanta ka hadlayaa waa chatbot ka loo yaqaano manychat  waa chatbot ka oogu wanaagsan ee maanta la isticmaalo

ManyChat aalad suuq geeeyn oo casri ah 

Dunida maanta oo si xawli ah ugu sii jeedda suuqgeynta dijitaalka ah iyo xiriirka tooska ah ee macaamiisha ayaa noqday mid muhiim ah. ManyChat waa mid ka mid ah aaladaha ugu awoodda badan ee ganacsiyada ka caawiya inay si fudud ula falgalaan macaamiishooda iyadoo loo marayo chatbot ka

Waa Maxay ManyChat?

ManyChat waa aalad suuqgeyn ah oo si otomaatig ah u maareysa farriimaha tooska ah ee Messenger Instagram WhatsApp iyo xitaa SMS yada Waxay ganacsiyada ka caawisaa inay la xiriiraan macaamiishooda si hufan, iyaga oo u adeegsanaya chatbotka si ay uga jawaabaan su’aalaha ay macamiishooda weydiineyso ama u dhiirrigeliyaan iibka, ama xitaa u fuliyaan dalabyo kala hadii ay jiraan

Astaamaha Ugu Muhiimsan ee ManyChat

  1. Automation  Waxaad si otomaatig ah ugu diri kartaa farriimaha dadka lasoo xiriira ganacsigaaga, taasoo kuu badbaadineysa waqti badan. in uu kaaga luma kawaabida fariimaha
  2. Integration  ManyChat waxay la shaqeysaa barnaamijyada sida Facebook Messenger, Instagram, WhatsApp, iyo sidoo kale email iyo SMS ba
  3. Chatbot Builder  Waxay kuu ogolaaneysaa inaad si fudud u dhisto chatbot-yo la falgala macaamiisha adigoo aan lahayn xirfad sare oo barnaamijyadaan lagu dhiso
  4. Marketing & Sales  Waxay fududeyneysaa suuqgeynta iyo iibinta alaabtaada adigoo isticmaalaya farriimaha tooska ah ee macaamiisha loo diro.
  5. Analytics & Tracking  Waxaad si fudud ula socon kartaa xogta macaamiisha iyo guusha ololeyaasha suuqgeynta ee aad sameysay.

Faa’iidooyinka ManyChat

Badbaadin Waqtiga  Maadaama ay tahay aalad otomaatig ah, waxay hoos u dhigeeysaa wakhtiga aad ku bixin lahayd farriimaha gacanta laga diro.
Kordhinta Iibka  Waxay kuu suurtagelinaysaa inaad si toos ah macaamiisha ugu dirto dalabyo iyo xayeysiisyo gaar ah.
Dhisidda Xiriir Wanaagsan  Waxaad si fudud u abuuri kartaa chatbot u jawaabaya macaamiisha si dhaqso leh, taasoo sare u qaadeysa kalsoonida ay kugu qabaan macamiisha
Isticmaal Fudud  ManyChat waa mid fudud, qof walbana si sahlan ayuu u isticmaali karaa xitaa haddii uusan aqoon badan u lahayn chatbot-ka.

Sidee Looga Faa’iidaysan Karaa ManyChat?

Ganacsiyo badan ayaa ManyChat u isticmaala:

1, Suuqgeynta Dijitaalka ah  Waxay kuu ogolaaneysaa inaad si toos ah ugu dirto xayeysiisyo macaamiishaada

2, Adeegga Macaamiisha  Waxaad si otomaatig ah uga jawaabi kartaa su’aalaha macaamiisha adigoo adeegsanaya chatbot.

3, Xaqiijinta Amarrada & Dalabka Waxay kaa caawin kartaa inaad u fududeyso macaamiisha inay dalbadaan alaab ama adeeg si otomatic ah

4, Dhiirrigelinta Xog-ururinta  Waxaad si fudud u aruurin kartaa xogaha muhiimka ah ee macaamiisha.

faaidada uu leeyahy aad bay u badan tahay hadii aan kasoo qaato qaar yar oo kamid ah  maanta waxaa sara u kacay ganacsiga online ka ah iyo shirkadaha bixiya adeegyada  mar hadii aad tahay  ganacsade ama aad  tahay shirkad bixiso adeegyo waxaa lagama maarmaan ah in aad macamiishaada ay ka helaan sodhaweeyn fiican iyo in marwalbo aad tahay online

taas bili,aadam ka aad ayey ogu adkaaneysaa  balse manychat waa chatbot 24 saac online ka ahaan karo balaad foomkaaga  kaas oo kaa saacidaayo in macamiishaada ay helaan caawinaad joogta ah

waxaad ku xiran kartaa akoomahaaga  baraha bulshada oo dhan sida facebook masanger ka

 

sida facebook masanger ka  whtasAppka instagram ka telegram ka iyo kuwa kaloo badan  wuxuu awood u leeyahay in aad macamiishaada  uu ka caawiyo dhamaan baahiya ay u qabaan ganacsigaaga iyo xog walba ay donayaan in ay ka ogadaan ganacsigaaga  waxaa kaloo  uu awood u leeyahay hadii uu ganacsigaaga yahay Ecommerce in uu ka iibiya macamiishaada  asagoo adeegsanaayo xogtii aad ku tabobartay adiga

waxaa kaloo uu awood u leeyahay in uu kka jawaabo su,aalaha ay sooweydiiyaan macamishaada

Sideen oogu xiran karaa

si aad oogu xirato akoomahaaga marka hora google ku qor manychat ama raah linkigaan manychat 

kadib waxaa kusoo bixi doona intarfeyskiisa kowbaad

si aad acoun ooga sameysato taabo halkaa aan calamadeeyay  kadibna  horay usii soco oo raac tilaabooyin ka xiga ee lagu siin doona

kadib marka aad gudaha u gasho waxaad awood u yeelan kartaa in aad klu xirato akoon walba oo aad dooneyso in aad ku xirato   marka aad ku xirto akoonka waxaaa lagaaga baahan yahay in aad ku tabobartaa ganacsigaaga iyo waxa uu qabto marka aad u sheegto oo uu fahmo ayuu awood u yeelan karaa in uu ka jawaabo su,aalaha ay macamiisha waydiinayaan

Qaab kee oogu xiran karaa akoon keeeyga

marka hora doora akoonka aad rabto in aad ku xirto kadib raac timaamaha  sida loogu xiraa aad ayeey u dhibyartahay  ogsonoow ma ahan free waa lacag wuxuu leyahy 14 maalin oo free ah intaa wixii ka danbeeyo waa lacag oo free ma ahan hadii aad iibsato waxaad awood u yeelan kartaa in aad si wanaagsan aad ganacsigaaga oogu tabobarto

Gunaanad

ManyChat waa aalad casri ah oo kor u qaadaysa suuqgeynta iyo iibka ganacsigaaga. Haddii aad rabto inaad si fudud ula xiriirto macaamiisha, oo adigana aad badbaadsato waqti badan  oo aad kor u qaaddo guushaada ganacsi, ManyChat waa xalka ugu habboon.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top