Maraka laga hadlaayo internetka waxaa jira qaabab badan oo lacag looga sameeyo qaab walbana waxa uu leeyahay wado loo maro wayna kala duwan yihiin mid walbana waxaa uu leeyahay caqabadiisa iyo faaidadiisabo intabo waad kala kulmeeysaa
maanta waxaan rabaa in aan Qormadaan ooga hadlo waxa loo yaqaano affiliate marketing iyo Caqabadaha uu leeyahay iyo sidoo kale faaidada uu leeyahay iyo wadada oogu sahlan ee uu qofka lacag ooga sameeyn karo
ka aniga ahaan affiliatebmarketing waxaan bartay sanadkii 2020 waxaan kusoo dhex jiray mudo ilaa afar sano ah waxaan u leeyahay qibrad ah qaabka looga faaiida iyo qaabka loogu qaasarabo
kolka anigoo kaashanaayo qibradeeyda kooban ayaan waxaan rabaa in aan kula wadaago waxaan ka aqaano
Waa Maxay affiliate marketing
Affiliate marketing waa in aad suuq geeyso alaab ama badeeco ay leedahay shirkad kale shirkaad ayaad ku heshiineysaan in aad alaabtaan u suuq geeyso adigoo lagu siinaayo linki adiga kuu gar ah oo qofkii linkigaas wax ka dhex iibsado linkigaas ayaad adiga ku leedahay komishin shirkadaha isku mid ma ahan oo shirkad walbo waxay affiliate lacag ku bixisaa lacag qiima u gooni ah mid baa laga yabaa in ay ku siiso halkii qof oo wax iibsado $50 qaar way kasii yar yihiin halka kuwa kalana ay intaas in ka badan ay bixiyaan waxay ku xiran tahay shirkada aad wax u iib geyneyso waxaa kaloo waxaa kaloo jira waxa loo yaqaano kookin ( Cookien) Waa sharci shirkad kasta oo bixisa adeega affiliate ka ah ay isticmaasho
waxaana sharci xadidaado linkigaaga affilite ah hadii aan kuu fahfaahiyo waxaa laga wadaa hadii uu qof maanta ooy tariiqda tahay 2/12/2024 uu qof liinkigaaga soo booqda lkin uusan waxbo iibinsan oo uu iska baxo kadib 7 maalin kadib uu linkigaagi kusoo laabto oo uu wax ka dhex iibsado wax bo laguuguma siin doona
waxayna ka mid tahay caqabadaha uu leeyahay affiliate marketing ka
lakin ogsonoow shirkadaha isku kuukin ma ahan mid baa 24 saac ah qaar baa 90 casho ah qaar baa 30 maalin ah inta badan shirkadaa kuukin kooda waa 15 maalin ilaa 30
shirkad kasta marka aad iska diwaan galineyso ayada ayaa ku shegeyso kuukin kooda iyo sharuucda u adagsan kolka waxaan kugula talin lahaa in aad markasta iska hubiso shirkada ad linkiga ka qadaneyso kuukin kooda iyo sharuucdooda
3 dariiqo oo aad ku noqon karto web designer
Lcag intee dhan baan ka sameyn karaa affiliate marketing
shirkadaha isku mid ma ahan oo mid walbo lacag bixin gooni u ah bay leedahay lakiin ogsonoow waxaaa jira waxa loo ya qaano high ticket affiliate programs
waxaa laga wadaa marka aad raadineyso shirkad aad ka codsan rabto affiliate waa in aad baartaa shirkadaha oogu lacagta badan marka si aad u ogaato waa in aad google ka ama meelaha kale aad wax ka raadineyso aad ku qortaa high ticket affiliate programs markaas waxaa kusoo baxaayo shirkadfaha oogu lacagta badan dhanka affiliate ka
maxaa la iigaga baahan yahay
Marka aad dooneyso in aad bilowda affiliate marketing waa in aad 5 taan qodob sameysaa si aad u noqoto qof ku guuleysta
1, marka hora waa in aad aqoon u leedahay suuqaan iyo sida looga shaqeeysan karo
2, waa inaad leedahay Blog website aad kusoo qortaa articals ka aad shirkada aad wax u xayisiineyso badeecadeeda
3, waa in aad doora taa nich (suuq) kuu gooni ah
4, waa in aad haysataa lacagtii aad ku bilaabi lahayd
5, waa in aad aqoon u leedahay sida xayisiimaha loogu sameeyo google iyo faceebook
shantaan hadii aad haysato waxay u dhaw dahay in aad faaido ka sameyn doontid
hadii aadan shantaan waxbo ka aqoon Ha isku bilaabin affiliate
sideen ku baran karaa 5 taas arimood
Hadii aadan garaneynin shantaan qodob waxan kuguu sheegi donaa qaabka oogu sahlan ee aad ku baran karto
1, xirfada affiliate ka ah waxad helaysaa ayadoo lacag ah oo ay iibinayaan dad qibrad buuxda u leh barmaamijkaan iyo soomali iyo ajaaniba intabo way iskugu jiraan kuwa soomalida ah waxaa oogu caansan oo aan aniga arkay waa qolodaan 7 PercentÂ
waxay bixiyaan course dhameystiran oo affiliate marketing ah qiima ahaan aad qaali uma ahan uu way roon yihiin
hadii aad rabto ajaanib kuwaan ayaan kugula talin laha Udamy
hadii kale oo adan haysan lacag aad ku iibsato oo aad si fiican u taqaano luuqada engalish ka ah youtub ka ayaad ka baran kartaa
2, tan labaad waa in aad leedahay Website Bloog ah oo aad kusoo qorta maqaalo shirkad kasta waxay raadineysaa qof leh website blog ah oo ay sooboqdaan dad badan oo orgaanig ah  si kolka shirkadaha aad ka codsaneyso linkiga ay kusoo aqbalaan waa in aad leedahay website blog ah hadii aadan aoon websiye ka sida loo sameeyo anaka ayaa dhalan yarada ka caawino dhisida website blog ah sida midkaan oo kale Halkaan taabo si aad u aragto
iyo kanoo kale taabo halkaanÂ
hadii aad u bahan tahay Nalasoo xariir
3, qodobka sedexaad waa in aad dorataa nich suuq gooni ah affiliate ka marka laga hadlaayo wuu suuqyo badan yahay isku lacagna mahan waa in aad sameysaa reaserch fara badan oo aad wax badan baar taa talo ahaan waxaan ku dhihi lahaa waxad xoga saartaa suuqa technoyga madaama ay manta aduuntada u wala gureeyso technoloyg sida shirkadaha bixiya sortawerada iyo kuwa bixiya hosting nada
ama inad xooga saarto suuqa dahab ka suuqa dahab ka asaga wuxuu ku fiican yahay xogaa lacag fiican buu leeyahay waxaa laga yabaa in aad lacag fiican ka hesho hal qof oo wax iib saday
4, waa in aad haysataa lacagtii aad ku bilaabi lahayd hadii aadan haysan lacag suurta gal kuuma noqon doonta in aad lacag ka sameeyso affiliate marketing ka kolka waa in aad haysataa lacag aad ku bilabi karto marka oogu horeeyso lacagta waxay kaaga baxaysaa xayisiinta facebook ama google ama meel kale oo aad ka heli karto macamiil
5, mida shanaad waa inaad taqaano oo aad aqoon buuxda u leedahay sida loo sameeyo xayisiimaha facebook ama google waa meesha oogu fiican oo la isku halayn karo oo aad ka heli karto macamiil
marka aad soo hesho linkiga affiliate ka ah talaabada kow baad ayaa ah inaad ka fikirta sidii aad ku heli lahayd macamiil iibsado adeegaan aad suuq geyneyso marka si aad ta u hesho waa in ad marka hora aad barataa xifad facabook ads iyo google ads
hadii aad intaas sameyso waxa laga yabaa in aad ku guleysato arintaa
Gunaanad
intaan baan kusoo gunandayaa maqaal keeni maanta waxaan rajeynayaa in aad wax badan ka faaiday
meshaan waxaan soo galiyaa waxa aan is leeyahay bulshadaada way anfacayan gar ahaan dhalnyarada
hadii uu jira mowduuc aad u aragto muum in wax lag a qora fadlan qeybta hoose ee comminetga ah noogu reeb fariin taada mahadsani